Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo weli ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.
Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen tageerada Qaramada Midoobay ee dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan arimaha hormarinta iyo dhismaha hay’adaha Dowliga ah.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho kala hadlay Arrimo ku aadan deegaanada Jubbaland iyo dardargelinta mashaariicda QM ka fulineyso halkaas.
Kulankaan ayaa daba socda shir Maanta Golaha Wadatashiga Qaranka ay Teendhada Afiysooni kula yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka, iyagoo ka wada arrinsaday geedi socodka doorashooyinka iyo taageerada dhaqaale ee doorashada.