Carruurta ay Waalidiintooda ku xiran yihiin Xabsiga Abu Dhabi waxay haatan awoodi karaan inay la xiriiraan Waalidiintooda ku xiran Xabsiga Al Wathba prison ee magaalladda Abu Dhabi..
Maamulka Xabsigaasi ayaa sameeyey Adeeg Muuqaal Video oo lagu wada sheekeysan karo, iyada oo la isticmaalayo Nidaam cusub oo Elektoronik ah.
Waalidiinta Maxaabiista waxay awoodi karaan inay Carruurtooda kula xiriiri karaan iyagoo sii maraya Adeegga Video-ga (the Video Chat Service).
Carruurta aan Waalidkooda arkin muddo 4 bilood iyo kuwa aan loo oggolaanin inay Xabsiga ku booqdaan  ayaa ka faa’ideysan doona fursadda  ay kula sheekeysan karaan Waalidiintooda.
Yuusuf Saciid Al-abri oo ka hoos shaqeeya Xoghayaha Waaxda Caddaalada ee magaalladda Abu Dhabi ayaa sheegay inuu Nidaamkaasi muhiim u yahay Carruurta doonaysa inay si toos ah u arkaan ama ula xiriiraan Waalidkooda marka ay xanuunsan yihiin ama ay ku jiraan Xaallad dhibaato leh.