Ku-dhawaad 100 Maxbuus ayaa la sheegay inay ka baxsadeen Xabsi ku yaalla Degmadda Katiyola, kuwaasi oo Taageero u ahaa Hoggaamiye la dilay sannadkii hore.
Ilo dhinaca Ammaanka ee dalkaasi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP inay 96 Maxbuus jabsadeen Xabsigaasi.
Waa baxsadkii ugu dambeeyey ee ay Maxaabiista kaga baxsadaan Xabsiyadda ku yaalla dalkaasi.
Bishii la soo dhaafay, 6 Maxbuus ayaa ka baxsatay Xabsi ku yaalla Degmadda Gagnao, waxaana arrintaasi loo xiray 4 Askari o oilaalo ka ahaa Xabsiga iyo qof rayid ah oo wax ka maleegay sidii ay u baxsan lahaayeen Maxaabiistaasi