Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa dhagxaan waaweyn lagu jaray laamiga Bartamaha Isgoyska Soobe ee Magalada muqdisho,halkaas oo uu ka jiri jiray ciriiri iyo mashquul farabadan.
Halka dhagxaanta lagu jaray ayaa ah halka ay ka kala wareegtaan gawaarida ka yimaada Isgoyska KM4 iyo kuwa ka yimaada Isgoyska Banaadir,waxaana lagy micneeyay inay tahay in la yareeyo ciriiriga dhinaca gawaarida ah ee halkaasi ka jirtay.
Wariyeyaal saakay so maray ayaa waxa ay sheegeen in Gaariga doonaya in uu Isgoyska Soobe uga leexda dhinaca Xaafada Buula Xuubey uu ku qasban yahay in uu soo maro wadada dhinaca Wasaaradda Arrimaha Dibada ama Isgoyska Banaadir,sidaasna uu Isgoyska Soobe uga leexdo ama uu ka leexdo laami yaharah.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa la sheegay in uu lahaa Amarka dhagxaanta lagu dhigay Isgoyska Soobe,hayeeshee mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka aysan weli ka hadlin.
Qaar ka mid ah Darawalada Mooto bajaajta iyo gawaarida kale ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay,qaarkood ayaa dhaliil iyo cabasho ka keenay halka qaarkood ay sheegeen in tani ay yareyn karto mashuulkii iyo Saxmadii faraha badneed ee Isgoyska Soobe.
Isgoyska Soobe ayaa ka mid ah Isgoysyada ugu mashquulka badan kuwa ku yaalla Magalada Muqdisho,waxaana 14kii Bishii Octoober ee Sanadkii 2017 ka dhacay qaraxa ay ku geeriyoodeen in ka badan 600 oo Ruux.