Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in uu furmo kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug kadib markii xildhibaanada Baarlamanka ay mudo dhor bilood ah ay fasax ku maqnaayeen.
Tiro Xildhibaano ah o ka tirsan Galmudug ayaa haatan ku sugan Muqdisho,balse waxaa xusid mudan in laga sugayo Cadaado,waxaana sidaasi Warbaahinta u sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa iminka ka socda diyaar garoowga furitaanka kulanka Baarlamaanka Galmudug,iyada oo amaanka Magaalada Cadaado siweyn loo adkeeyay.
Kulanka Baarlamaanka ayaa la filayaa in uu furo Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Geelle ducaale(Xaaf)
Baarlamaanka Galmudug oo aan mudooyinkaan kulmin ayaa waxaa haatan horyaala ajandooyin dhowr ah,iyada oo kulanka Maanta looga hadli doono dagaalada kas oo cusboonaaday deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud.