Maanta oo sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee waqtigeedu sii dhammaanayo ay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanadaayaa waxaa uu yahay Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka iyo Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana ay kasoo qeyb galaan kulankaas, maadaama weli uu Golaha shaqeynayo ilaa iyo inta laga soo dooranayo Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka.
Golaha Shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay aan yeelan kulan, xili Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu sheegay in la dardar-gelinayo kulamada Golaha ay yeelanayaan.
Muddo xileedka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan maalmo kooban, waxaana horyaal Ajendayaal dhowr ah oo laga doonayo inay meel-mariyaan ah iyo Miisaaniyadda sannadka 2021-ka.