Xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa hargaysa waxa ay ku yeelanayaan mid Ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa oo looga hadlayo Ajanddo muhiim ah.
Xildhibaanada ayaa xalay loo diray farriimo ogaysiin ah oo loogu sheegayay jiritaanka kulanka maanta waxaana la filayaa in ay ka soo qeybgalaan badi xildhibaanada golaha.
Ajandaha kulanka maanta ee golaha shacabka ayaa ah akhrinta 2-aad ee himdise-sharciyeedka Jaangooynta iyo tayo dhowrka.