Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad waxaa ay kulan ku yeelan doonaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho, kaasi oo furmi doona saacad kadib.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad Hindise-sharciyeedka Duulista Rayidka ah, kaasi oo kal hore Akhrinta Koowaad ay u soo marsiiyeen Golaha.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa loo diray fariimo lagu wargelinayo inuu kulan jiro, isla markaana laga doonayo inay kasoo qeyb galaan si loo dardar-geliyo shaqooyinka horyaalla.
Shalay ayay aheyd markii Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kal hore ay soo meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.