Xarunta dowlada Hoose ee Xamar ayaa waxaa lagu qabtay kulanka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo todobaadkii mar la qabto loogana hadlo horumarinta Caasimadda.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenada Amniga iyo Arimaha Bulshada iyo xubnaha maamulka Gobolka.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid dardar galinta shaqooyinka degmooyinka sugida amniga Caasimadda Nadaafada, Canshuuraha iyo Caafimaadka iyo dardargelinta Horumarinta Caasimadda.
Sidoo kale Madaxdii ka qeyb gashay kulanka ayaa ka hadlay dib-udhiska wadooyinka, xoojinta howlgalada Nadaafad ee ka socda waddooyinka Caasimadda, waxaana shacabka loogu baaqay inay ilaaliyaan Nadaafada.
Duqa Muqdisho Cumar Finish ayaa kula dardarmaay Madaxda degmooyinka Gobolka in bulshada si hufan loogu qidmeeyo iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta maamulka degmada, laamaha amniga iyo shacabka si loogu guuleysto ka hortaga nabadiidka.