Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay kulan gaar oo ay soo xaadireen golaha Wasiiradda Galmudug oo looga hadlay arrimo kala duwan.
Shirkaan Madaxweyne Qoorqoor ku wehlinayay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid, isla markaana waxaa ka qeyb galay inta badan Golaha Wasiirada Maamulka.
Madaxweynaha ayaa Golaha uga warbixayay safarkii uu ku tagay Magaalada Muqdisho iyo heshiiskii siyaasadeed ee dhawaan gaareen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo ay Galmudug door ka qaadatay.
Madaxweynaha ayaa gunaanadkii shirka golaha kula dardaarmay dardargelinta howlaha horyaalla Xukuumadda iyo fullinta qorsheyaasha hortabinta leh ee u degsan Dowladda Galmudug.