Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey shirka maamul baahinta Puntland oo ay ka qeybgaleen Wasaaraddaha kushaqo leh sida Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Qorsheynta, Howlaha Guud, Haweenka, Maaliyadda iyo Tamarta, Biyaha iyo Macdanta.
Wasaaradaha ka shaqeynaya maamul baahinta ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland warbixin ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay, sida horumarka Wasaaraduhu ka gaareen maamul baahinta ,shaqooyinkii u qabsoomay iyo guulaha laga gaaray qorsheyaashii lagu dejiyay shirarkii ugu danbeeyay ee ku saabsana maamul daadajinta.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa bogaadiyey shaqada socota, waxaana uu kula dardaarmay dhammaan masuuliyiinta wasaaraddaha in lasii dardargeliyo shaqada si adeega dowladdnimo loo gaarsiiyo dhammaan dadweynaha reer Puntland.