Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Galmudug oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada maamulkaas ee Magaalada Dhuusamareeb.
Kulanka ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid iyo wasiirrada dowladda Federaalka ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa.
Shirkan ayaa diirradda lagu saaray wadashaqeynta, iskaashiga dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug ee arrmaha amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa bixiyay faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ee Galmudug, wuxuuna sheegay inuu ahaa la tashiyo kala duwan ku saabsanaa.