Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Garowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash).
Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xirnaayeen ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin wada shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sigaar ah uga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ka jira Guddiyada Doorashada.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda FS Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo hordhac u ahaa safarkii Rooble shalay ku tegay Magaalada Garoowe.
“Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo Madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, si wadajir loogu wajaho dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska RW Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa horey u sheegay inuu safar ku tegi doono Garoowe iyo Dhuusamreeb, si loo xaliyo tabashooyinka ka jira Doorashada gaar ahaan Guddiyada la magacaabay oo Musharaxiinta ay kasoo horjeedan.