Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Safaaradda Mareykanka kulan kula qaatay Safiirka Mareykanka ee Somali Larry’ Andre.
Kulanka dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xaaladihii ugu dambeeyay ee Arrimaha siyaasadda dalka, dhameystirka doorashooyinka Golaha Shacabka, caqabadaha hortaagan doorashada iyo arrinta Amniga.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa uga mahad celiyay taageerada dowladda Mareykanka (USA ) ku bixiso dhismaha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
“Waxaan maanta xarunta Safaaradda dowladda Mareykanka ( USA ) kula kulmay Safiirka cusub Mudane Larry’ Andre. Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, dhameystirka doorashooyinka caqabadaha hortaagan iyo Amniga†ayuu yiri Sheekh Sharii.
Shariif oo Qoraal kasoo saaray kulanka uu la yeeshay Safiir Larry’ Andre ayaa waxaa uu kusoo gaba-gabeeyay “Waxaan uga mahad celiyay taageerada dowladda Mareykanka ( USA ) ku bixiso dhismaha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadiyadda Soomaaliyaâ€.