Fiidnimadii caawa ayaa waxaa la arkay Dayax madoobaad  guud ahaan Soomaaliya iyo qeybo kamid ah caalamka intiisa kale, bisha ayaa ka madoobaatay dhinac.
Sheekh Maxamuud Cabdulle cariif oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed oo wareysi siiyay Radio Dalsan  ayaa sheegey in dayax madoobaadka iyo qoraxda ay muujinayaan awoodda alle sida uu sheegey Rasuulka suuban CSW loogana baahanyahay dadka muslimiinta ah towbad keen iyo alla bari.
Masaajidda ayaa waxaa ka bilowday alla barri iyo qur’aan Akhris ayagoo dembi dhaaf weydiisanayay alle, sidoo kay Dad aad u farabadan oo lagu arkayay qeybo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaasi oo muujinayay awoodda Alle islamarkaana weyneynayay.
Hadaba goor dhow ayaa bisha iftiinkeedi si caadi ah ku soo noqday kadib markii muslimiinta ay sameeyeen qur’aan Akhris iyo Alle bari.
Dadka Muslimiinta ah ayaa waxaa waajib ku ah in ay illaahay weyneeyeen ayadoo loo marayo dariiqa toosan,