Banaanbaxyada iyo Rabshadaha ka socda magaalada Laascaanod ayaa galaya Maalintoodii Sagaaladaad oo ay si xariir ah u socdaan, marba marka ka dambeysa ay xaaladdu sii noqonayso cakiran.
Waddooyinka waa weyn ee Magaalaada ayaa lagu arkayaa shacab farabadan oocaraysan kuwaasi oo wali siiw ada banaanbaxyo ay kaga soo hor jeedaan Ciidanka Somaliland.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya Wasiirro ka tirsan Somaliland oo ku sugan magaalada Laascaanood aya wadaan in ay ‘Odayaashu ay la hadlaan warbaahinta si ay ‘u joojiyaan kacdoonka.
Waxaana Xalay Magaalada gudaheda laga qab-qabtay dhalinyaro farabdan oo qayb ka ahaa banaanbaxa, kuwaasi oo la sheegay in loo taxaabay xabsiyada, taasi oo xaaladda uga sii dartay sida wararku sheegayaan.
Qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga khadadka Internet-ka ayaa badi go’an,waxaana la sheegay in Ciidanka Somaliland ay amreen in la jaro Internet-ka,waxaana wali soo xoogaysanaya banaanbayada.
Sidoo kale waxaa isi soo taraya baaqyada loo jeedinayo Somaliland, ee  ku aaddan in xalka ay ku raadiyaan wada hadal ay la furan dadka degaanka ee caraysan.