Garowe-Dalsan fm- C/wali Maxamed Cali (Gaas)  Madaxweynaha maamulka Puntland Ayaa Lakulmay Golohii Wasiirada Oo Ay Shalay Kalsoonida Kala Noqdeen Xildhibaanada Maamulkaa.
Kulankan Maanta Madaxweyne Gaas Uu La Yeeshay  Wasiirada Ayaa Ah Mid Laga soo Hormariyay Shirarkii Todobaadlaha  Ahaa Ee Khamiis Kasta La Qaban Jiran.
Waxaana Inta Badan Kulankaas Looga Hadlay Arimo Ay Ka Mid Yihiin Kalsooni Kala Noqoshadii Baarlamaanka Puntland Ay Wasiirada Maamulkaas, iyo Iyo Cida Shaqada Sii Wadi Doonta Inta Madaxweyna Gaas Uu Kasoo Dhisayo Wasiira Cusub, Waxaana La Filayaa In Kulankaasi Laga Soo Saaro War-Murtiyeed.
Shalay Ayey Aheyd Markii Xildhibaanada maamulka Puntland Ay Codka Kalsoonida Kala Noqdeen Golaha Wasiirada Maamulkaas.
Xildhibaana Gaaraya 47 Xildhibaan ayaa codka kalsoonida kala Noqday Golaha Wasiirada Puntland Halka 1 Xildhibaan Uu Diiday 9 Xildhibaana Ay Ka Aamuseen.