Taliyihii ugu horreyey ee Ciiddanka Kenya ee jooga Somalia, Sarreeye Gaas Johnson Kimani Ondiek oo la hadlay Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka dalkiisa waxa uu si kulul u beeniyey inay Ciiddankooda ku lug leeyihiin Dhuxusha laga dhoofiyo Dekedda Kismaayo.
Johnson Kimani Ondiek oo haatan loo magacaabay Danjiraha Kenya u jooga dalka Turkiga waxa uu xusay muddadii uu Taliyaha u ahaa Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia inay Ciiddankiisa mashquul ku ahaayeen La-dagaalanka Alshabaab, isla markaana aysan fursad u haynin waxa uu ugu yeeray Ganacsigaas Wasaqda ah.
Waxa kale oo ka fogeeyey Warbixinta QM ee lagu sheegay inay Ciiddanka Kenya ku lug lahaayeen Ganacsiga Dhuxusha Somalia, xilligii uu isagu ahaa Taliyihii Ciiddankaasi.
Waxa uu ku carrabka ku adkeeyey in Warbixintaasi looga dan lahaa in sumcadda magaca Ciiddanka lagu xumeeyo, wuxuuna difaacay Dishibiliinka Ciiddanka Kenyanka ku sugan gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Sarreeye Gaas Johnson Kimani Ondiek oo ka mid ahaa Saraakiishii ugu horreysay ee Hawlgalka Linda Nchi Operation waxa uu sheegay in lagu guuleystay hadafkii laga lahaa Hawlgalkaasi ay gudaha ugu soo galeen Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waa sida uu hadalka u dhigay.