Maamulka Puntland ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay in baraha Bulshada, kuwaasi oo sheegayay in Madaxweynaha Puntland uu amar ku bixiyay in Wasiirada dowladda Federaalka ee ku sugan Garoowe ay si deg deg ah uga baxaan halkaas.
War Goordhow kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Warka la xiriira wafdiga ka socda dowladda ee la faafiyay uu yahay mid been abuur ah, isla markaana uusan jirin Go’aan lagu amray Wasiiirada inay ka baxaan Garoowe.
Qoraalka Maamulka Puntland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Dadka ka danbeeyay Warkaas lagu hayaa baaritaan, isla markaana ciddii lagu helo falkaasi la marsiin doono ciqaab adeg.
“Warqada lagu faafiyey Baraha Bulshada ee laga dhigayo Inay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, kuna saabsan Wafdiga Dowladda Federaalka ah ee Puntland, waa mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin, Dadka ka danbeeya been abuurkaasi waxaa lagu hayaa baaritaan, ciddii lagu helo falkaasina waxaa la marsiinaya ciqaabteeda†ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Puntland.
Si kastaba baraha Puntland ayaa waxaa lagu faafiyay in Madaxweyne Deni uu Wasiirada kala ah Wasiirka Arimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirka Kaluumeysiga, Wasiir Xigeenka Aminga iyo Wasiirka Shaqada iyo Arimaha bulshada Soomaaliya ku amray inay si deg deg ah uga baxaan Magaalada Garoowe.