Waxaa saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud halkaas oo Maalmihii la soo dhaafay ay ku wada dagaalameen Ciidamada Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Wal-Jamaaca iyo Maleeshiyo dadka deegaanka ah.
Dagaalka oo la sheegay inta uu socday in ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 20,ayaanan jirin cid kala dhexgashay balse waxaa jirta in si iskiis ah uu u istaagay sida ay radio Dalsan u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Xaalada ayaa saakay ah mid degan,waxaana xusid mudan in ay weli halkaasi iskuhor fadhiyaan Ciidamadii wada dagaalamay markastana la filan karo dagaal maadaama aysan jirin cid kala dhexgashay.
Qaar ka mid ah Waxgaradka Gobolka Galgaduud ayaa haatan waxa ay wadaan waan waan ku aadan sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyadaas maadaama ay ku waxyeeloobayaan dad rayid ah.
Maamulka Galmudug ayaa dhawaan Shaaciyay in Galmudug aysan aqbaleyn in halkaasi lagu wada dagaalamo in kastoo aysan cadeyn talaabada ay qaadeysa,sidoo kale waxaa jirta in Madaxweyne Farmaajo,uu shalay sheegay in halkaasi loo diri doono Guddi baara qaabkii uu dagaalkaas ku bilaawday.