Maxamed Axmed Malin oo kamid ahaa Xubnihii uu Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir u Magacaabay Guddiga Doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii uu ahaa Guddigaas.
Maxamed Axmed Malin oo sidoo kale ahaa Gudoomiye ku-xigeenka labaad Ee Baarlamanka Galmudug ayaa waxaa uu sheegay in Magacaabista uu sameeyay Sheekh Shaakir aan wadatashi lagala sameeyn, isla markaana uu arkay Magacaabista.
Waa Shaqsigii labaad ee iska Casilay xubnihii Maanta uu Magacaabay Maxada Xukuumadda Galmudug, waxaana ugu horeeyay Cabdishakuur Ciise Xaashi, kaasi oo isna sheegay in aan la ogeysiin Magacaabista.
Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa Maanta Magacaabay Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaasi oo ka kooban 11-xubnood.
Dhinaca kale waxaa xusid mudan in dowladda Federaaalka Soomaaliya ay horey u magacaawaday Guddiga farsamada dhismaha Galmudug,kuwaasi oo soo dhisi doona Galmudug mideysan oo loo dhanyahay.