Cabdullaahi Faarax Bille oo kamid ahaa xubnihii shalay uu Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir u Magacaabay Guddiga Doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu iska Casilay xubinimadii uu ahaa Guddigaas.
Cabdullaahi Faarax Bille ayaa waxaa uu sheegay in magacaabista uu sameeyay Sheekh Shaakir uusan wadatashi kala sameeyn, isla markaana waxba ka uusan ka ogeyn arrintaas.
Sidoo kale Cabdullaahi Faarax ayaa tilmaamay inuu yahay musharax u taagan xilka kamid noqoshada Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.
Waa Shaqsigii sddexaad ee iska Casilay xubnihii Shalay uu Magacaabay Maxada Xukuumadda Galmudug, waxaana kamid ah Cabdishakuur Ciise Xaashi iyo Maxamed Axmed Malin, kuwaasi sheegay in aan la ogeysiin Magacaabista.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Magacaabay Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka dowlad Goboleedka Galmudug,kuwaasi oo ka kooban 11-xubnood.
Si kastaba Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug, kuwaasi oo dhawaan ay Magacaawday dowladda Federaalka Solmaaliya, isla markaana ka kooban 13 Xubnood.