Madaxweyanaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa xalay kulan deg deg ah waxaa ay ka yeesheen xaaladaha Siyaasadeed ee Puntland iyo guud ahaanba dalka.
Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulkaas waxaana ay isla lafa-gureen xaaladda siyaasadeed ee soo korortay.
Inta kulanku socday ayaa waxaa ay isla wadeegeen talooyin iyo sidii loo wajihi lahaa arrimaha doorashooyinka, waxaana kulanku uu kusoo beegmay iyadoo kalfadhiga Golaha Wakiilladu xidhanyahay.
Puntland ayaa horay uga hortimid go’aamadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb, waxaana ay qaaddaceen habdoorashada ay kusoo heshiiyeen madaxdii ku kulmay Galmudug.