Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada hoose, Ibraahim Aaden Cali (Najax) oo uu wehliyo Taliyaha Guutada 14-ka Oktoobar Gaashaanle dhexe , Axmed Cabdi Cali (Gaashaan) ayaa kormeer howleed ku tagay jiidda hore ee Ciidanka XDS.
Mas’uuliyiintan ayaa u kuur galay xaaladda guud ee Ciidanka Xoogga ee sugan degaannada Gobolka Shabeellada hoose, iyagoo halkaasi ku kala war-qaatay taliyeyaasha hoggaamineysa dagaalka lagula jira Al-Shabaab.
Xubno ka mid ah Saraakiisha hor kacaysa dagaalka ka dhanka Al-shabaab ayaa sheegay in uu si xowli ah ku socdo gulufka is daba joogga ah.
Mudane; Najax ayaa bogaadiyay howl-gallada ee Ciidanka xoogga ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna ballan qaaday in ay wax walba la garab taagan yihiin Ciidanku ka maamul ahaanna ay si weyn ugu sameynayaa dhiirri gelin dhan walba ah.