Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan munaasabadda sanad guurada 63-aad ee 12-ka Abriil oo maanta ku beegan.
“Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidanka XDS, sarreeyaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda, dableyda iyo jadiidka Ciidanka XDS ayaga iyo qoysaskooda Munaasabadda 12 Abriil awgeed oo ku began maalinkii la unkay Ciidankeenna XDS,” ayuu yiri wasiir Jaamac oo qoraalkaan soo saaray.
“Maanta oo ku beegan 63-guuradii aas-aaska CXD Soomaaliyeed, waxay har iyo habeen u taagan yihiin difaaca sharafka Ummadda Soomaaliyeed iyo qiyamkooda, waxaan Alle (SW) uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku shahiidday difaaca qarannimada, sidoo kalena caafimaad deg-deg ah in uu siiyo intii ku dhaawacantay.”
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooda munaasabada 12-ka April.
“Maanta oo ku aadan sanad guurada 63-aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxaan hambaliyo u dirayaa guud ahaan ciidamada xoogga dalka, sanadba sanadka ka danbeeya waa soo xoogaysanayaa ciidanku, wuxuuna gaarayaa guulo is daba joog ah, Hambaliyo ayaanu leenahay sanadkaan midka xiga waxaan rajaynayna in ciidda Soomaaliya oo Khawaarijta aad ka sifeeyseen aad ku dabaal dagtaan,†ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid.
Horay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay sanadkii 1960-kii.