Dowlad Goboleedka Puntlad ayaa shaacisay in dad Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus laga helay deegaano ka tirsan Maamulkaas oo kiisas horey laga diiwaan-geliyay.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inay korortay Tirada dadka laga helayo xanuunka COVID-19 iyo kuwa u geeriyooday.
Wasiirka ayaa cadeeyay in saacadihii lasoo dhaafay laga baaray Cudurka 24 ruux, isla markaana laga helay 17 Qof, kuwaasi oo baaritaano la sameeyay lagu ogaaday inay qabaan xanuunka.
Sidoo kale Wasiir Cabdinaasir ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in Dadka laga helay Cidurka uu ku jiro hal Wasiir iyo hal Xildhibaan oo ka tirsan Puntland, uuna geeriyooday hal ruux.
Meelaha ay kala joogaan dadka laga helay Cudurka ayaa kala ah:
Boosaaso 5
Qardho 5
Waaciye 3
Garowe 2
Galkacyo 2
Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 76 halka saddex qof ay u geeriyoodeen xanuunka halista ah ee Coronavirus.