Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka  Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid Taliyihii hore ee Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cismaan (Cali Baadiye) oo Itoobiya ku Geeriyooday.
Guddoomiyaha ayaa tacsi u diray ehelka,Ciidamada,iyo guud ahaanba dadkii uu ka baxay AUN taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland,isaga oo tilmaamay in uu ahaa shaqsi howl kar ah.
Taliyihii hore ee Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland S/Guuto Cabdirisaaq Sheekh Cismaan (Cali Baadiye) ayaa qoyskiisu waxa ay xaqiijiiyeen in uu u geeriyooday xanuun muddooyinkii dambe haayay isaga oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Adib-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.