Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa gaaray wafdi ballaaaran oo ka kooban Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federal iyo heer dawlad Goboleed,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Wafdigan oo uu hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka JFS Mudane CabdiXassan Cawaale Qeyb-diid ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ugu horeeyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo xubno kale.
Madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federal iyo heer dawlad Goboleed ayaa Magaalada Garoowe waxaa lagu wadaa inay ku yeeshaan Shirkii 4aad,kaasi la iskula meel dhigayo cutubyada 10aad ilaa 15aad oo ay dhawaan dib u eegis ku sameeyeen Guddiyada heer Federaal.
Kulanka Madasha ayaa waxaa uu halkaas ka socon doonaa muddo saddex maalmood ah,isla markaana waxaa ka qeyb galaya Guddiyada heer Federal iyo kuwa dastuurka ee dawlad goboleedyada dalka ka jira.
Sidoo kale kulankaas ayaa inta uu socdo waxaa ka qeyb galaya Xubno ka socda Guddoonada Baarlamaanada Dawlad goboleedyada dalka.