Maanta ayaa la filayaa in garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ay ku wada kulmaan Masuuliyiin ka kala socota Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Masuuliyiinta labada Maamul ayaa waxaa kulankooda ku wehlin doona Odayaasha Dhaqanka ee labada Maamul ka soo kala jeeda waxana kulankooda looga hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada ayna ku wada noolaadaan labada Shacab ee Puntland ee Galmudug.
Kulankaan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay mudo ka dib yeeshaan masuuliyiin ka kala tirsan galmudug iyo puntland oo mudo khilaaf ka dhexeeyay balse haatan isku soo dhawaanaya.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale(Xaaf) ayaa horay u sheegay in ay ka Go’an tahay Nabad ku soo dabaalida Gobolka Mudug halkaas oo ay ku so laab laabteen dagaalo u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.