Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa kusii qulqulaya Siyaasiyiin, Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka, Musharaxiin Madaxweyne iyo qaar ka mid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.
Qaar kamid ah Wasiirada Xukuumadda ee Ra’iisul Wasaare oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad ayaa gaaray Nairobi, kuwaasi oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Kenya.
Weli lama si rasmi ah looma oga ujeedka socdaalkoodav Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare, hayeeshee warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiirada ay Kenya u tageen Arrimo u gaar ah.
Dhawaan Magaalada Nairobi waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, iyagoona ka wada hadlay Arrimo la xiriira Doorashada dalka ka dhaceysa.
Sidoo kale Kenya ayaa waxaa ku sugan siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga iyo xubno farabadan oo siyaasiyiin ah.
Magaalada Nairobi waxay aheyd meel Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya ay kasoo abaabulan olalahooda Doorashada, tan iyo markii dowladdii KMG aheyd lagu soo dhisay sanadkii 2004-tii.