Xoghayahii Joogtadda ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee dalka Kenya, Mariam Al Maawy ayaa ku geeriyootay Isbitaal ku yaalla dalka Koonfur Afrika oo looga daaweynayey dhaawacyo bishii July 13-dii ee sannadkan ka soo gaaray weerar ay Alshabaab ka geysteen Deegaanka Milihoi oo ku taalla jidka isku xira Laamu iyo Deegaanka Mepeketoni.
Al-Shabaab shot and injured the principal secretary in the shoulder and on legs after abducting her at Milihoi area on the Mpeketoni-Lamu road.
Afhayeenka Madaxtooyada Kenya, Manoah Esipisu ayaa xaqiijiyey geerida Mariam El Maawy, iyadoo Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka tacsideeyey geeridaasi, sida lagu soo daabacay Wargeyska Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi.
Dhinaca kale, weerarkii ay Alshabaab bishii July 13-dii ka geysteen duleedka Laamu waxaa lagu dilay 2 Sarkaal oo ka tirsan Boliska Kenya oo ilaalo u ah Xoghayihii Joogtadda ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Kenya, Mariam Al Maawy oo iyada shalay u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray Garabka iyo Lugaha.