Rima Khalaf oo ahayd Madaxa Guddiga QM ee Galbeedka Asia ayaa is-casishay, kadib, markii lagu khasbay inay ka laabato Warbixin ay ka diyaarisay Xaaalladda khatarta ee falalka Midab-takoorka ee ka jira Yuhuudda.
Warbixinteeda waxay ku eedeysay Maamulka Yuhuudda Nidaam Midab-takoor ku hayaan Falastiiniyiinta, waana Warbixintii ugu horreysay ee Guddi ka tirsan QM si cad ugu muujiyaan Eedeymahaasi.
Rima Khalaf oo Shir Jaraa’id ku qabatay caasimadda dalka Lubnaan ee Beyruut waxay tilmaamtay inuu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Gutteres ku amray inay joojiso Wrabixintaasi, kn didiay inuu dib-u-eegis ku sameeyo Warbixinta ka dhanka ah Maamulka Yuhuudda.
Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa gaashaank ku dhuftay Eedeynta Rima Khalaf, wuxuuna sheegay inay ku fashilantay inay raacdo Nidaamka, ka hor intaysan daabicin Warbiixntaasi.
Dhinaca kale, Maamulka Yuhuudda waxay si kulul u naqdiyeen Wrbixintaasi, kuna tilmaameen inuu la mid yahay Borobogaandada Naaziyiinta.
©Radio Dalsan