Xoghayihii Joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraaynta Masiibooyinka Maxamed Cumar Macalin ayaa iska casilay xilkii wasaaraddaasi sida ay macluumaad ku heshay idaacadda VOA Somali.
Warqadda is casilaadda oo ay heshay idaacadda VOA ayaa agaasimuha ku sheegay inuu isku casilay duruufo adag oo u saamixi waayey inuu sii wato shaqadii uu u hayey wasaaradda iyo xukuumadda federaalka darteed.
Nooca duruufaha adag ayaan lagu faahfaahin warqadda is casilaadda.
Warar ay heeshay idaacadda VOA Somali ayaa sheegayaan in is casilaaddan ay la xiriirto kiis dhowaan ka dhacay wasaaradda oo lagu xiray Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib-u-Dejinta Barakacayaasha oo haatan ku jira xabsi kadib markii dawladda Soomaaliya ku eedaysay “xatooyo xoolo dadweyne†sida lagu baahiyey warbaahinta rasmiga ah ee dawladda Soomaaliya.
Xigasho Voa.