Waxaa Caawa mashquul badan laga dareemayaa runta dambi baarista ee CIDA-da halkaas oo gelinkii dambe ee Maanta lagu xirey lix xubnood oo ka mid ah masu’uuliyiin ka tirsan waaxda Canshuuraha ee dekadda Muqdisho.
Wadooyinka soo gala Xarunta dambi baarista ee CID-da ayaa waxaa Caawa la dhigay Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya kuwaas oo mararka qaar baaritaano ku sameynaya gaadiidka dadweynaha.
Gawaari farabadan oo ay leeyihiin madax ka tirsan dowlada ayaa ku sii qul qulaya xarunta CIDA-da,iyada oo loo sababeynayo arrinta la xiriirta mas’uuliyiinta Gabaldhicii Caawa xaruntaas lagu xirey.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in mas’uuliyiinta la xirey uu maalmahaan baaris ku hayey xafiiska hanti dhowrka qaranka,maantana sidaasi lagu xirey.
Agaasimaha waaxda Cashuuraha dekadda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samoow oo ka badbaaday in la xiro ayaa waxaa la sheegay in baadi goob lagu haayo,isla markaana uu ka mid yahay mas’uuliyiintii eedeynta loo jeediyey.