Wasiirka Tacliinta ee dalka Masar, Dr. Al-hilaal Al-sharbayni ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay Xafiiskiisa ku qaabilay dhigiisa dalka Somalia, Ibrahim Xasan Caddow oo haatan booqasho ku jooga Caasimadda dalkaasi ee Qaahirra.
Labada Wasiir waxay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka W/barashadda iyo sidii Somalia looga taageeri lahaa Horumarinta W/barashadda iyo Kutubta Cilmiga.
Ilo ku dhow Waaxda Diiwaanka Guud ee Wasaaradda Tacliinta Masar ayaa u sheegay  Wargeyska Albawaba news ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa sheegay in la qorsheynayo in Somalia loo soo diro 35 Macalliminn Masaari ah, kuwaasi oo muddo 4 sanno ah wax ka dhigi doono Dugsiyadda Bacthada Masaarida ku leeyihiin gudaha dalka Somalia.
Dugsiyadda iyo Machadyadda ay maamuli jireen Bacthada Masaarida ee ku yaalla magaalladda Muqdisho iyo magaallooyin kale waxay tiradooda gaarayaan 4 Dugsi, kuwaasi oo ku xirmay 25-sanno ka hor oo ku beegan Xilligii Dagaalladda Sokeeye ka qarxeen Somalia
©Radio Dalsan