Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalka Masar, Dr. Nabil Sadiq ayaa bixiyey amarka lagu xaqiijiyo haddii uu Urur-diimeedka Al-saaciduun Bil-Xaq ku dhaqan yihiin Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Wargeyska Al-taxriir ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray inuu  Xeer-ilaaliyaha Guud ee Masar amar ku bixiyey Baaritaanka qoraalka naqdinta ee uu Qareen Taariq Maxamuud ku codsanayo in  Urur-diimeedka isku magacaabay Al-saaciduun Bil-Xaq iyo Hoggaamiyahooda, Mustaf Kamaal Maxamuud Xuseen lagu daro Liiska Argagixisada.
Kooxda Al-saaciduun Bil-Xaq waxay horey ugu faafeen dalal ku yaalla Caalamka, balse waxay dalalkaasi sheegeen inaysan Kooxda isku magacaabay Al-saaciduun Bil-Xaq lahayn wax Asaas Diimeed ah.
Hoggaamiyaha Kooxda Al-saaciduun Bil-Xaq, Mustafa Kamaal waxa uu Bayaankiisii ugu horreeyey ku sheegay in Al-saaciduun Bil-Xaq la asaasay sannadkii 1973-kii., isla m arkaana ay in muddo ah indhaha ku hayeen Arrimaha Caalamka, gaar ahaan dalalka Islaamka.
Waxa kale oo uu sheegay in tiro Waddamo ah xubno ka yihiin Urur-diimeedka Al-saaciduun Bil-Xaq, oo uu ka xusay dalalka Somalia, Kuwait, Turkey, Sweden,Talyaaniga iyo kuwo kale, kuwaasi oo uu xusay inay ku hoos shaqeynayaan Dalladda Kooxdiisa Al-saaciduun Bil-Xaq.
Dhinaca kale, AQoonyahano iyo Culumaa’udiin Soomaali ah ayaa bilowgii sannadkan waxay magaallooyinka Muqdisho, Bosaaso, Hargeysa iyo Garowe kaga dhawaaqeen inay xubno ka yihiin Ururka Al-saaciduun Bil-Xaq, balse Mashaa’iqda waa weyn ee dalka ayaa ka digay Khatarta Kooxdaasi u keeni karaan Mujtamaca Soomaaliyeed