Magaalada boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa la filayaan in saaka uu kusoo xirto Markab dekadda Magaaladaas, waxaana qorshuhu ahaa in shalay uu kusoo xirto dekadda Markabku balse waxaa jirtay in taasi ay suurta gali waysay, waxaana la sheegay in markabka shalay ay Ciid ku qabsatay dekadda.
Markabka oo ah nooca Xammuulka qaada ayaa waxaa saarnaa Shamiito, waxaana sida la sheegay iska lahaa hantida saarnayd Shirkadda Barwaaqo, shalay ayaa iridda hore ee dekadda waxaa ku qabsatay Ciid, taasina waxa ay keentay in uu dib loogu celiyo badda kadib dadaalo dheeraad ah oo la sameeyay, saakana waxaa la filayaa in sida caadiga ahayd uu dib ugu soo xirto dekadda Magaalada Boosaaso.
Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo xirta maraakiib ganacsi oo u raran ganacsato Soomaaliyeed, waxaana horay dekaddaas uga dhacay in ay ku soo caariyen Maraakiib kala duwan.