Hadal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Badda Maraykanka ee ku sugan Xeebaha dalka Baxrayn ayaa lagu sheegay in Markab nooca wax burburiya uu rasaas ku riday dooni dagaal oo ay leeyihiin Ilaaladda Kacaanka Iiraan oo marayey Gacanka Bershiya.
Doonida ayaa la sheegay inay Markabka USS Mahan aad ugu so odhawaatay, taasi oo keentay in rasaas digniin ah lagu rido, isla markaana loo yeeriyey Shanqarta Digniinta ee ay Maraakiibta isticmaalan marka ay arkaan wax khatar ah.
Doonida Dagaalka Iiraan ayaa la sheegay inay dib uga fogaatay Markabka, oo ay horey u soo jirsatay 1,000 mitir.
Dhinaca kale, Dowladda Iiraan wax war ah kama soo saarin Shilkaasi oo dhacay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.
Ma aha markii ugu horreysay oo ay Markiibta Dagaalka ee labadan dal uu kala shaki ku soo dhex galo mrka ay marayaan Gacan-biyoodka Bershiya.
©Radio Dalsan