Taliska Hawlgalka Milliteriga Maraykanka ee AFRICOM waxay sheegeen inay Sabtidii la soo dhaafay duqeyn Diyaaradeed la beegsadeen Daacish-ta Somalia ee ku sugan Buuraha Golis ee Waqooyiga Somalia.
Taliska AFRICOM oo shalay soo saaray War-saxaafadeed waxay ku sheegeen inay duqeyntaasi ku dileen mid ka mid ah dagaalamayaasha Daacish-ta Somalia, isla markaana ay DFS iska kaashadeen Hawlgalkaasi.
AFRICOM waxay kaloo sheegeen in qofka ay dileen uu door muhiim ah u fududeynta Tas-hiilaadka ee Daacishta Somalia, balse, faahfaahin kale kama aysan bixinin magaciisa iyo Kaalinta uu ku lahaa Hawlgfelinta Ururkaas.
Dhinaca kale, AFRICOM waxay sheegtay inaysan duqeyntaasi wax dhimasho iyo dhaawac ah ka soo gaarin dadka rayidka.
Jeneral William West oo ka tirsan Ciiddanka Cirka ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay inay Dowladaha Maraykanka iyo Somalia sii wadi doonaan hawlgalladda ay ku arbushayaan DhaqdhaqaaqyaddaDaacish-ta Somalia , isla markaana ay hoos u dhigi doonaan Awoodahooda inta suurtogalka ah.
Si kastaba ha ahaatee, Duqeyntii ugu horreysay ee Maraykanka la beegsadaan Maleeshiyadda Daacishta Somalia ayaa waxa uu dhacay bishii November 4-dii ee sannadkii 2017-kii.