Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su’aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan weerarkaas ugu diyaar garoobin sidii loo baahnaa.
Jeneral Stephen Townsend, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeesheen inay soo jebiyaan xeendaabka saldhigga Manda Bay, islamarkaana ay gudaha usoo galaan.
“Dad badan ma oga, balse saldhigga ay ciidamadeena ku nool yihiin ma ahan saldhigga la weeraray. Hase yeeshee waxay awood u yeeshaan inay soo galaan saldhigga, oo ay dilaan saddex qof oo Mareykan ah, islamarkaana ay burburiyaan lix diyaaradood. Sidaas darteed uma aynan diyaarsaneyn sidii loo baahnaa,†ayuu yiri.
Jernal Townsend ayaa sheegay inay weli baarayaan sababta ay ku dhacday in ciidamada aysan sameyn diyaar garowgii iyo feejignaantii loogaa bahnaa.
Waxa uu intaas ku daray in kadib weerarka ay halkaas geeyeen 120 askari, oo hadda xaqiijinaya amniga, islamarkaana saladhigga u yeelaya daafaca ku habboon.
Jeneral Townsend ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarkaas uu AFRICOM ku qasbay inay dib uu eegaan guud ahaan saldhigyadooda qaaradda Africa, sababtoo ah buu yiri, waxay rumeysnaayeen in saldhigga Manda Bay uu ahaa saldhig amnigiisu sugan yahay.