Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Maraykanku waxa uu war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in duqayntaas lagu dilay ninka lagu magacaabo Yuusuf Jiis waa sida ay hadalka u dhigeen.
Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay inuu ka mid ahaa aasaasyaasha kooxda, isla markaana uu kamid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-shabaab ee ka howlgalayay Gobolka Bay.
Bayaan hore oo sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.
Dhinaca kale ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga hadlayaan wararka sheegaya in la dilay Sarkaal ka tirsanaa oo lagu magacaabo Yuusuf Jiis