Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in afar duqaymood oo cusub ay ka gaysteen Soomaaliya 23-kii bishan Febraayo. Marayanku waxa uu sheegay in laba ka mid ah afarta duqyamood ay ka dhaceen nawaaxiga Kuunyo Barrow, halka duqayn kale ay ka dhacday agagaarka Jannaale, tan afraadna Awdheegle.
Maraykanku waxa uu sheegay in laba ka tirsan Al-Shabab lagu dilay weerarrada, isla markaana lagu burburiyey baro kontorool iyo adeegyo kale oo Al-Shabab ay canshuuraha ku qaataan waa sida uu hadalka ay u dhigeen.
Dhinaca kalena, Al-Shabab ayaa sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqaynta ka dhacday Kunyo Barrow, hase yeeshee milatariga Maraykanku waxay dhinacooda sheegeen in dad rayid ahi aanay ku dhiman kuna dhaawacmin weerarkan.
Inta badan Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa waxa ay duqeymo ka fuliyaan Saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobolada dalka Soomaaliya,iyagoona sheega in dad rayid duqeymahaasi aysan wax ku noqon.