Hadal qoraal oo ay Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Sarah Sanders soo saartay Saqdii dhexe ee xalay ayey ku sheegtay inay cambaaraynayaan Qaraxaasi oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 300 oo qof, waxayna qaraxaasi ku tilmaamtay Dil-wadareed lala beegsaday dad rayid ahaa, waa sida ay hadalka u dhigtay.
“Maraykanka waxay si xoogan u cambaaraynayaa  dil-wadareedka aan macquulka ahayn ee lala beegsaday dadka Birri-ma-geydada ee isugu jiray ragga, haweenka iyo Carruurta ku sugan Muqdisho†ayey tiri Sarah Sanders.
Waxay intaasi ku dartay in Labadii Weerar ee ka dhacay Muqdisho lala eegtay Dadweyne iyo Dhismayaal Ganacsi oo ku yaalla Caasimadda Somalia, taasi oo ka dhalatay dilka iyo dhaawaca dad rayid ah oo ay ku jireen Muwaadiniin u dhashay Maraykanka.
Hadalka qoraalka ee ay soo saartay Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Sarah Sanders waxay kaloo ku xustay inay Dowladda Maraykanka tacsi u dirayso Qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen iyo dhamaan dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay Qaraxaasi.
Dhinaca kale, waxay sheegtay inay Dowladda Maraykanka garab taagan tahay DFS iyo Dadweynaha Somalia, si loo xaqiijiyo Ammaanka Dadweynaha iyo Dib-u-dhiska dalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, qaraxii bishan 14-dii ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladda Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 300-qof ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalkeenna.