War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka Afrika ee (Africom) ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen 31 bishii May oo ku beegneed Khamiistii ay ku dileyn dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa warka ka soo baxay Mareykanka lagu sheegay in weerarkaas dhanka circa ah laga fuliyey meel 30km koonfur Galbeed ka xigta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,isla markaana ay ku dileen 12 dagaalame.
Sidoo kale waxa ay War-saxaafadeedka ay ku cadeeyeen in ay xaqiijiyeen in weerarkaas aysan ku waxyeeloobin dad rayid ah,iyada oo horay loogu eedeyn jiray in duqeymaha qaarkood dad yarid ah ku waxyeeloobaan.
Siakstaba Mareykanka ayaa bilihii u dambeeyey waxa uu jordhiyey duqeymaha dhanka circa ah oo uu ka fuliyo Koonfurta Soomaaliya kaas oo uu sheegay in lala beegsado Saldhigyo ay leeyihiin Al-Shabaab.