Dowladda Maraykanka ayaa la filayaa inay dabayaaqadda  isbuucan ku dhawaaqdo Cunaqabatayn ka dhan ah Dowladda Turkiga, kadib, markii ay iibsadeen Gantaalladda Nidaamka Difaaca ee S400 ee lagu farsameeyey Raashiya.
Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen qorshaha Cunaqabatayntaasi, waxayna Kooxda Madaxweyne Donald Trump horey u garwaaqsadeen Xirmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga
Bilosgii Isbuucan, Hoggaanka Guddiyadda Aqalka Senedka dalkaasi ugu qaabilsan Arrimaha Ciiddanka iyo xiriirka Dibedda waxay soo wada saareen War-saxaafadeed ay ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga, kadib, markii ay heleen Shixnadii ugu horreysay ee Gantaalladda Raashiya ee Nidaamka difaaca ee  S400
Jimcihii la soo dhafaay, Wasaaradda Difaaca Turkiga waxay sheegtay inay qeybtii ugu horreysay Gantaalladdaasi soo caga-dhigteen magaalladda Ankara.
Dowladaha Raashiya iyo Turkiga waxay bishii December ee sannadkii 2017-kii kala saxiixdeen Heshiis dayn ah oo Turkiga looga iibinayo Nidaamka Difaaca ee S400.