Dowlada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday Sabtidii inay 639 milyan oo doolar ugu deeqeyso dalalka Somalia, South Sudan, Nigeria iyo Yemen oo ay ka jiraan xaalado bani,aadannimo oo aad u liita, kuwaasoo ay Qaramada Midoobay ku sheegtay in ay sababeen colaado sokeeye.
Donal Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka oo ka qeyb galayay Shirka G20 oo dalka Jarmalka lagu qabtay  ayaa ku dhawaaqay deeqdaasi waxa uuna sheegay in lacagtaan ay dabooli doonto baahi iyo dhibaato badan oo ay qabaan Wadamada uu lacagtaas uu u balan qaaday.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Wadamada Caalamka iyana dhankooda laga doonayo in ay kaalin muuqata ka geestaan Caawinta dadka ku nool Qaarada afrika oo badankood ay abaartu saameeysay.
Wadamo badan oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa waxaa Sanadkii tegay ee 2016,dii ka dilaacay abaar saameyn ku yeelatay dadka iyo Duunyada ku nool Gobolo badan oo Soomaaliya ka mid ah wallow haatan ay u muuqato in ay tahay mid sii yaraaneysa.
Lacagtaan uu balan qaaday Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliya waxaa qeyb ahaan ku soo aadi karta in ka badan 100 Milyan oo dollar,balse hadii uu bixiyo waxa ay wax badan ka qaban doontaa dhibaatooyin dhinaca nolosha ah oo heesta Wadamada Qaarada Afrika qaarkood oo ay Soomaaliya qeyb weyn ka tahay