Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Jeneral Lloyd Edward Austin ayaa waxaa uu shalay amar ku bixiyey in Dib-u-eegis Ciiddan (an Army review) lagu sameeyo Baaritaanka Weerarkii dhimasahada sababay ee ay Alshabaab ku qaadeen Saldhigga Ciiddanka Maraykanka ku leeyihiin Gacan-biyoodka Manda Bay ee dalka Kenya.
Weerarkaasi oo dhcay bishii Janaayo 5-dii ee sanadkii 2020-kii ayaa waxaa lagu dilay 3 Maraykan, halka 3 kalena lagu dhaawacay, iyadoo la guday 6 Diyaaradood isugu jiray Helikoptaro iyo kuwa wax lagu basaaso iyo Gaadiid kale oo yaallay Saldhigaasi.
Weerarkaasi oo dhacay Oogtii hore ee bishii Janaayo 5-dii ee sanadkii 2020-kii ayaa waxaa kaloo lagu gubay dhowr Haamaha Shidaalka ee yaallay Garoonkaasi.
Madaxa Warfaafinta ee Xoghayaha Difaaca Maraykanka, John Kirby ayaa waxaa uu sheegay in Dib-u-eegista madax-banaan ka soo bixi karaan Aragti dheeraad ah iyo awood lagu qiimeeyo dhacdadaasi naxdinta iyo khasaaraha leh
John Kirby ayaa waxaa uu u xusay inuu Xoghaayaha Difaaca amray inay Ciiddanka iska soo xulaan Jeneral 4 Xiddigle ah oo loo xil-saaro Dib-eegista Baaritaanka Weerarkii Alshabaab ee Saldhiga Ciiddanka Maraykanka ku leeyihiin Manda Bay ee dalka Kenya.
Jeneral 4 Xiddigle ah oo lagu magaacaabo Jeneral Paul Funk ayaana loo xil-saaray Dib-u-eegista Baaritaankaasi, waana Khabiir Dagaal oo ka soo dagaalamay dalalka Iraq iyo Afganistan.
John Kirby ma uusan sheegin saluuga uu Xoghayaha Difaaca ka muujiyey Baaritaanad aan weli Natiijadeeda la soo bandhigin oo ay horey u sameeyeen Taliska Ciiddanka Afrika ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM.
Dhinaca kale,Xoghayaha Difaaca Maraykanka waxa u qorsheysan inuu maanta oo Talaado ah Saraakiisha AFRICOM kula kulmo Xarunta Taliska AFRICOM ooku taalla magaalladda Stuttgart ee dalka Jarmalka.
Si kastaba ha ahaatee, Weerarkii qorsheysnaa ee ay Dagaalamayaasha Alshbaab 2 sano ku qaadeen Saldhiga Ciiddanka Maraykanka ku leeyihiin Gacan-biyoodka Manda Bay ee Gobalka Laamu ee dalka Kenya ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu horeeyey,uguna khasaaraha badnaa ee ay la beegsadaan Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan gudaha Kenya.