Madaxweyne Donald Trump waxa uu shalay u sheegay Kongareeska dalkiisa in Ciiddamo Maraykan ah loo daad-gureeyey dalka Gaaboon, cabsi laga qabo dibadbaxyadda rabshadaha wata ee ka socda dalka Koongada Dimuqraadiga.
Waxa uu sheegay in ciiddankii u horreeyey oo ka kooban 80 Askari ay Arbacadiigaareen dalka Gaaboon, si ay u badbaadiyaan Muwaadiniinta Mraaykanka iyo dhismayaasha Diplomaasiyadda, haddii ay dagaallo ka dhacaan caasimadda dalka Koongadda Dimuqraadiga ee Kinshasa.
Qoraal uu Trump u diray Kongareeska waxa uu xusay in Ciiddanka loo daad-gureeyey dalka Gaaboon yihiin kuwo ay u dhan yihiin qalabka lagu dagaalamo, isla markaana ay Diyaarado Milliteri taageeri doonaan.
Waxa uu intaasi ku daray in laga yaabo in Ciiddamo dheeraad ah loo diri doono dalalka Gaaboon, Kongada dimuqraadiga ama Jamhuuriyadda Kongo haddii loo baahdo.
Tallaabada uu Maraykanka ciiddamadda ugu diray Gobalkaasi ayaa timid, iyadoo laga cabsi qabo inay dalka Koongada Dimuqraadiga ka dhacaan Dibadbaxyo, marka lagu dhawaaqo Natiijadda Doorashadda Madaxtinimadad ee dalkaasi ka dhacday bishii December 30-da ee sannadkii la soo dhaafay.
Waa Doorashadii ugu horreysay ee dalkaasi ka dhacday 18-kii sanno ee la soodhaafay oo uu talada dalkaasi hayey Madaxweyne Josef Kabiila, oo isaga xilkaasi ka dhaxlay aabihiisa Lawrans Kabiila oo la dilay.
Si kastaba ha ahaatee, Isbahaysiga Madaxweyne Kabiila waxay taageerayaan inuu Murashax lagu magacaabo Emmanuel Ramazani Shadary ku guuleysto Doorashadaasi oo ay Kooxaha Mucaaradka ka soo hor jeedaan.