Hadal-qoraal oo ay Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM soo saareen waxay ku sheegteen inay 35 Dagaalamayaal Al-shabaab ku dileen duqeyn Diyaaradeed oo ay bishan 24-dii ka fuliyeen Deegaan 20 mayl dhanka bari kaga toosan magaalladda Beled-weyne ee Gobalka Hiiraan.
AFRICOM waxay sheegtay in Duqeyntaasi qeyb ka ahayd dadaalka lagu taageerayo Ciiddanka DFS ee beegsanayo Alshabaab iyo in lagu yareynayo Awoodda ay ku leeyihiin Gobalka Hiiraan, waa sida hadalka loo dhigay.
Qoraalka AFRICOM waxaa kaloo lagu xusay in Duqeynta lala beegsaday Dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Alshabaab oo isaga gudbayey deegaano ku yaallo dhulka Miyiga, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale, Agaasimaha Hawlgalladda ee Taliska AFRICOM, Jeneraal Gareeg Olson oo soo saaray Qoraalkaasi waxa uu sheegay inay si iwadi doonaan Taageeradda ay siiyaan Soomalaida ay wada-shaqeynta leeyihiin, gaar ahaan marka uu Hawlgalkooda nooga baahan yhaay inay ka qeyb galnoLa-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, Taliska AFRICOM waxay kaloo tilmaameen in Duqeynta cirka ee ay bishan 24-dii ka fuliyeen duleedka magaalladda Beled-weyne uu yimid hal bil kadib, markii ay duqeyn ku dileen ugu yaraan 24 Dagaalamayaal Alshabaab oo lagu dilay Tuulladda Shebeeleey ee Gobalak Hiiraan, waa sida ay hadalka u dhigeen.