War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhinaca socdaal ka ah loogu soo rogay ku dhawad 7-ruux oo lala xiriirinayo ka mid ahaanshaha waxa ay ugu yeeraan Arga-gixisada,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Maraykanka.
Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa baahiyay Magacyada shakhsiyadka ay sheegeen in xayiraad ay ku soo rogay Maraykanka sida laga soo xigtay Wasaradda Maaliyadda dalka Marykanka,qeybta qaabilsan arrimaha dibadda.
Magacyada dadka xayiraadda lagu soo rogay waxaa ka mid ah Soomaali Keenyaan ay ku jiran culumo aad looga yaqaano Kenya gaar ahaana magaalada Gaarisa ee gbolka Waqooyi Bari ee dalkaas.
Liuiska la soo bandhigay oo ka kooban 7-qof waxaa ugu horeeya  sheekha Caanka ah ee Xassaan Husein isla markaana aad looga yaqaano gobolka waqooyi Bari isaga oo lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyo Al-shabaab.
Halkaan Ka Akhriso Liiska
1- Sheikh Hassaan Hussein Adam (Hussein),
2- Sheikh Hassaan (Omar),
3- Mr Hassan Mahad (Omar)
4- Mr Hassan Mahat.
5- Al Masri, Abd Al Wakil (Ali)
6- Moustafa Ali Elbishy (Al Masri)
7- Abdifatah Abubakar Abdi (Muhajir, Musa), ninkan waa Soomaali.